hagaha waalidka: horumarka aadanaha iyo … · lgbt ayaa sheegay inay ku dareemaan badbaado darro...

6
Atteindre l’excellence Une vision renouvelée de l’éducation en Ontario Avril 2014 Achieving Excellence A Renewed Vision for Education in Ontario April 2014 HAGAHA WAALIDKA: HORUMARKA AADANAHA IYO CAAFIMAADKA EE GOGOL WADAAGGA IYO MANHAJKA WAXBARASHADA CAAFIMAADKA IYO JIRKA FASALLADA 7-12 Gudaha Ontario, manhajka ayaa tilmaama waxa ay tahay inay ardaydu aqoon u lahaadaan oo ay samayn karaan dhammaadka fasal ama maado kasta. Manhajka ayaa ka taageeraa ardayda si ay u horumariyaan xirfadaha iyo aqoonta ay ugu: Fahmaan naftooda iyo dadka kaleba Si dheellitiran uga fikir, oo samee oo horumari wax doorashooyinka caafimaad- qabka ah. Horumariyaan iyo ay ugu haystaan xiriiryada caafimaad-qabka ah Ahaadaan badbaado, jir ahaan iyo maskax ahaanba Firfircoonaadan jir ahaan noloshooda oo idil oo ay koyayaan Hagahan waxaad ka heli doontaa: Macluumaad ku saabsan aqoonta iyo xirfadaha la xiriira horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga ee ku jira manhajka qaybaha dhexe iyo sare (fasallada ee 7-12) Namuunado laga soo qaato manhajka si loo muujiyo waxay macalimiintu u isticmaalaan inay u qorshayaan wax u dhigitaankooda ku saabsan horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga Fikradaha ku saabsan siday waalidku iskaga kaashan karaan dugsiyada si ay u taageeraan waxbarashada carruurtooda Halka laga helo macluumaad dheeraad ah. Ka caawinta ardayda inay horumariyaan aqoonta iyo xirfadaha lagu badbaado ee caafimaad-qabka lagu noqdo ayaa qayb ka mid ah Gaarista Heer Sare: Hadaf Dib loo Cusboonaysiyay oo ku Wajahan Waxbarashada Ontario. Wax dheeraad ah ka ogow ontario.ca/ eduvision. ubad kasta taageer arday kasta gaarsii

Upload: others

Post on 22-Jul-2020

0 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

Page 1: HAGAHA WAALIDKA: HORUMARKA AADANAHA IYO … · LGBT ayaa sheegay inay ku dareemaan badbaado darro dhexdiisa dugsigooda sare. 5. Heerarka xaaladaha cudurada qaarkood ee gogol wadaagga

BLEED

Atteindre l’excellence Une vision renouvelée de l ’éducation en Ontar io

Avril 2014

Achieving Excellence

A Renewed Vision for Education

in Ontar io

April 2014 BLEED

HAGAHA WAALIDKA: HORUMARKA AADANAHA IYO CAAFIMAADKA EE GOGOL WADAAGGA IYO MANHAJKA WAXBARASHADA CAAFIMAADKA IYO JIRKA

FASALLADA

7-12Gudaha Ontario, manhajka ayaa tilmaama waxa ay tahay inay ardaydu aqoon u lahaadaan oo ay samayn karaan dhammaadka fasal ama maado kasta.

Manhajka ayaa ka taageeraa ardayda si ay u horumariyaan xirfadaha iyo aqoonta ay ugu:

Fahmaan naftooda iyo dadka kaleba

Si dheellitiran uga fikir, oo samee oo horumari wax doorashooyinka caafimaad-qabka ah.

Horumariyaan iyo ay ugu haystaan xiriiryada caafimaad-qabka ah

Ahaadaan badbaado, jir ahaan iyo maskax ahaanba

Firfircoonaadan jir ahaan noloshooda oo idil oo ay koyayaan

Hagahan waxaad ka heli doontaa:

• Macluumaad ku saabsan aqoonta iyo xirfadaha la xiriira horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga ee ku jira manhajka qaybaha dhexe iyo sare (fasallada ee 7-12)

• Namuunado laga soo qaato manhajka si loo muujiyo waxay macalimiintu u isticmaalaan inay u qorshayaan wax u dhigitaankooda ku saabsan horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga

• Fikradaha ku saabsan siday waalidku iskaga kaashan karaan dugsiyada si ay u taageeraan waxbarashada carruurtooda

• Halka laga helo macluumaad dheeraad ah.

Ka caawinta ardayda inay horumariyaan aqoonta iyo xirfadaha lagu badbaado ee caafimaad-qabka lagu noqdo ayaa qayb ka mid ah Gaarista Heer Sare: Hadaf Dib loo Cusboonaysiyay oo ku Wajahan Waxbarashada Ontario. Wax dheeraad ah ka ogow ontario.ca/eduvision.

ubad kasta taageerarday kasta gaarsii

Page 2: HAGAHA WAALIDKA: HORUMARKA AADANAHA IYO … · LGBT ayaa sheegay inay ku dareemaan badbaado darro dhexdiisa dugsigooda sare. 5. Heerarka xaaladaha cudurada qaarkood ee gogol wadaagga

2

Health and Physical Education

RE V I S ED

The Ontario Curriculum

Grades 9 to 12

2 0 1 5

Health and

Physical Education

RE V I S ED

The Ontario Curriculum

Grades 1-8

2 0 1 5

PARTNERSHIPSISBAHAYSIYADA

WAXBARASHADA KU SAABSAN HORUMARINTA AADANAHA IYO CAAFIMAADKA GOGOL-WADAAGGA

Barashada horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaaggu waa qayb ka mid ah caafimaadka guud. Waxaa ay ku bilaabataa markay dhashaan.

Horumarka aadanaha iyo waxbarashada caafimaadka gogol wadaagga waxa uu ku lug leeyahay wax ka badan kaliya barashada qaybaha jirka iyo qaybaha taranka.

Adduunyadan maanta ee dhinacyada badan ee degdeg ah, waxa jira wax ka badan kaliya baahida carruurta iyo dhallinyarada inay ogaadaan inay badbaadaan oo caafimaad-qab ahaadaan. Horumarinta aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga ayay ka mid yihiin barashada ku saabsan xiriirka caafimaad-qabka ah, nadaafadda, caafimaadka taranka, aqoonsi, oo ay ku jirto aqoonsiga jinsiga, kalgacal iyo raaxaysiga, caafimaadka dhimirka, ka caagitaanka gogol wadaagga, ka-hortagga uurka iyo cudurka, u jeedka dhinaca gogol wadaagga, badbaadada si toos ah, oggolaanshaha iyo wax ka badan.

Waxa kale oo u dheer waxbarashada ku saabsan horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga, iyada oo qayb ka ah waxbarashada caafimaadka, cunidda cunto caafimaad leh, badbaadada shaqsiyeed, iyo ka hortagga dhaawaca, iyo isticmaalka mukhaadaraadka iyo caadaysiga. Ku nuuxnuuxsigu waa iyada oo la helo macluumaad sax ah iyo barashada xirfadaha si loogu sameeyo doorashooyin caafimaad-qab ah noloshooda ardayda maalin kasta. Ardaydu ma bartaan macluumaadka caafimaadka ee go'doon. Tusaale ahaan, ardayda ayaa baran doona ku saabsan samaynta go'aannada caafimaadka ee badbaadada leh iyaga oo barta inay hore u fikiraan, oo ay ka fiirsadaan natiijada ka iman karta iyo inay ka fikiraan arrinta kadib markay doortaan. Waxay ka codsan kartaa xirfadaha kuwa xaaladaha kala duwan sida samaynta cuntada, ammaan joogi iyo dejinta yool taam.

In dhammaan qaybo ka mid ah manhajka Caafimaadka iyo Waxbarashada Jimicsiga, ardaydu waxay bartaan “Xirfadaha Noolaanshaha. Kuwaasi waa xirfadaha ka caawiya ardayda horumarinta is-garashada iyo xirfado bulsheedka, si wax ku ool ahna hadalka u weydaarsada markay tahay xidhiidhada, oo dhibaatooyinka u maareeyaan oo si dheellitir u fikiraan si ay go'aano u gaadhaan, una dejiyaan yoolasha oo dhibaatooyinka u xalliyaan.

cilmi-baadhista ayaa muujinaysa in:

• Baridda ku saabsan caafimaadka gogol wadaagga iyo horumarku ma kordhiso hab-dhaqanka gogo wadaagga, oo dhabti waxaa ka hortagi kartaa gogol wadaagga leh halista.1

• Boqolkiiba 87 waalidiinta Ontario ayaa taageersan waxbarashada caafimaadka gogol wadaagga ee loogu talagalay carruurtooda.2

• Qiyaastii 11 boqolkiiba ardayda fasallada 10 ee leh telefoonnada gacanta iyo 14 boqolkiiba ardayda fasallada 11 ardayda leh taleefoonnada gacanta ayaa sheegay inay direen sekst.3

WAALIDIINTA, DUGSIYADA IYO BEELAHA AYAA ISBAHAYSI U SHAQEEYA

Waxbarashada ayaa waxtar badan leh markay waalidiinta, dugsiyada iyo beelaha dhammaan ka wada shaqeeyaan si ay u taageeraan barashada ardayda ee ku saabsan horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga. Ardayda ayaa u baahan macluumaad lagu kalsoonaan karo oo sax ah si ay u sameeyaan doorashooyin badbaado iyo caafimaad-qab ah.

Waalidiinta ayaa ka caawiya ilmahooda inay samaystaan qiyam ku saabsan xiriirada iyo habdhaqanka iyo caafimaadka gogol wadaagga.

Dugsiyadu ayaa siiya dhammaan ardayda inay wax ugu bartaan jawi waxbarasho oo badbaado, iyo daryeel leh. Ardayda ayaa u baahan inay yeeshaan dareen ka tirsanaan markay naftooda baranayaan iyo halka ay kaga aaddan yihiin adduunka iyaga ku wareegsan.

Shurakayaasha beesha, sida caafimaadka dadwaynaha iyo ururrada caafimaadka dhimirka, ayaa ka caawiya waalidiinta iyo dugsiyada inay kabaan taageerada ay heli karaan carruurta iyo dhallinyaradu.

Markii lala tashaday ayay, waalidiinta iyo ardaydu tilmaameen inay rabaan dugsiyada iyo waalidiintu inay ka wada shaqeeyaan taageeridda ardayda.

Page 3: HAGAHA WAALIDKA: HORUMARKA AADANAHA IYO … · LGBT ayaa sheegay inay ku dareemaan badbaado darro dhexdiisa dugsigooda sare. 5. Heerarka xaaladaha cudurada qaarkood ee gogol wadaagga

3

FASALLADA

7-12

WAXAY ARDAYDU KU BARTAAN HORUMARINTA AADANAHA IYO CAAFIMAADKA GOGOL WADAAGGA IYO XILLIGI

Kolba markay ardaydu sii weynaato oo ay bilaabaan yeelashada noocyada kala duwan ee xiriirka, waxay ugu baahan yihiin inay ka bartaan horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga ayaa sii qoto dheeraada.

Waxay ka bartaan arrimo dheeraad oo ku saabsan:

• Naftooda iyo dadka kale, aqoonsigooda, asaagga, qoyska iyo xiriirka kalgacalka, badbaadada shaqsi iyo go'aan-qaadashada.

• Dib u dhigashada ficilka gogo wadaagga, ka hortaga cudurrada lagu faafiyo gogol wadaagga, iyo ka hortaga uurka.

• Saamaynta ku leh go'aammada sida asaagga, warbaahinta, ogaansho jacaylka, iyo marin u helitaanka macluumaadka

• Ilaha taageero iyo macluumaadka la xiriira caafimaadka gogol wadaagga sida adeegyada caafimaadka dadwaynaha, hay'adaha caafimaadka beesha, bartayaasha interrnetka lagu kalsoonaan karo oo sax ah.

Dugsiga sare markay tahay, dhammaan ardaydu waa inay kasbadaan hal naq waxbarsho oo ah waxbarashada caafimaadka iyo jidhka iyada oo ah shuruudda Ontario Secondary School Diploma (Dibloomada Dugsiga sare ee Ontario) (OSSD). Ardayda dugsiga sare ayaa barta oarrimaha ku saabsan horay uga fikirkaka qiyamkooda iyo xuduudaha iyo iyaga oo ka fikira waxay u baahan inay sameeyaan si ay badbaado iyo caafimaad-qab u ahaadaan markay tahay caafimaadka gogol wadaagga. Waxay taas u sameeyaan dariiqa la midka ah markay baranayaan inay ka fikiraan oo u qorshaystaan caafimaadkooda guud (tus., dejinta yoolka adadkaanta jidhka, ka fikirka inay doorashooyinka cunidda cunto caafimaad leh.)

Ardayda ayaa yeelatay faham qoto dheer oo naftooda ku saabsan. Taas waxa ka mid ah aqoonsiga, isku aqoonsiga jinsiga, iyo muujinta jinsiga, iyo ujeedka jinsi. Helidda macluumaadka iyo horumarinta xirfadaha, u aragga, aamminka, iyo qiyamka la xiriira aqoonsiga iyo xiriirka ayaa ah nidaamyo cimriga oo idil ah.

Ardayda ayaa ugu baahan macluumaad iyo xirfado si ay go'aan fiican uga gaadhaan ku saabsan caafimaadkooda iyo fayo-qabkooda kahor - ma aha kadib - markay la kulmaan xaalad. Daraasad dhowaan Ontario lagu qaaaday, ayay qiyaastii 22 boqolkiiba Darjada Fasal ee 9 iyo 10 ay ardaydu ku warbixiyeen inay gogol wadaag sameeyeen.4

Rayi ururin Kanada lagu qaaday 2011kii*, ku dhawaad saddex dalool laba (64 boqolkiiba) ardayda ah khanisaadyadaha, khaniisyo, labada jinsiyood jiidan karaa, iyo kuwa udhexeeya labada jinsiyood (LGBT) iyo 61 boqolkiiba ardayda leh waalidiinta LGBT ayaa sheegay inay ku dareemaan badbaado darro dhexdiisa dugsigooda sare.5

Heerarka xaaladaha cudurada qaarkood ee gogol wadaagga lagu kala qaado ayaa sare u kacayay ilaa tan iyo dhammaadkii 1990yaadi.6

Muddadii lagu guda jiray wada tashiga ku saabsan manhajka, ardayda ayaa sheegay inay qiimeeyaan awoodin inay wax bartaan oo ay ka hadlaan waxyaabaha saameeya faya-qabkooda markay wax ka baranayaan macalimiinta maadooyinka kala duwan iyo fasallada.

Page 4: HAGAHA WAALIDKA: HORUMARKA AADANAHA IYO … · LGBT ayaa sheegay inay ku dareemaan badbaado darro dhexdiisa dugsigooda sare. 5. Heerarka xaaladaha cudurada qaarkood ee gogol wadaagga

4

� � � � �

� � � � �

MAXAY TAAASI U EG TAHAY MARKAY KU JIRTO MANHAJKA? FILASHO NAMUUNAD AH LAGA BILAABO FASAL 7

Badbaadada Shaqsiyeed iyo Kahortagga DhaawacaIllaa dhammaadka Fasalka 7, ardayda ayaa:

C2.2 2 qiimayn doonta saamaynta uu noocyada kala duwan ee xoogsheegashada ama xasaradaynta iyo dirqiga ka dhici kara dhaqammada ay ka midka yihiin anshax-xumo aalada teleefanada la isugu diro, laftood ahaan iyo dadka kaleba, iyo in la garto siyaabo looga hortagi karo ama lagu xalliyo dhacdooy-inka oo kale (tus., ka hadalka dareemmada, ka warbixinta dhacdooyinka laftooda ama dadka kale khuseeysa; ku dhiirigelinta kuwa kale si ay u fahmaan xil bulsheedka ka saaran inay ka warbixiyaan dhacdooyinka oo ay taageeraan dadka kale halkay xeerka aammusnaanta ka sii wadi lahaayeen ama ugu arki lahaayeen ka warbixinta “wacad jabin”, ka raadsi caawimo adeegyada taageerada, barashada xirfada maaraynta shucuurta; oo isticmaala xeelado dejinaya xaaladaha kacsan ama xaaladaha dirirta ku dambeyn karta) [IS, CT]

Ahmiyadda waxbarashadu waa inay ku caawiyaan ardayda wax ku bartaan oo ku saabsan ka hortaga u xoog sheegashada iyo kadeedka (oo ay ku jiraan qoaal), iyo barashada xirfada in ay ka jawaabaan xaaladaha soo bixi kara.

“Xirfadaha Noolaanta” ayaa lagu daraa manhajka oo dhan. Waxa kuwaas ka mid ah barashada ku saabsan wacyi isku lahaanta iyo xirfadaha la qabsiga; xirfadaha bulsheed iyo xirfadaha wada hadalka loogu talagalay xidhiidhada caafimaad-qabka ah; iyo siyaabaha lagu xalliyo dhibaatooyinka, ee loo dejisto yool iyo sida go’aamada loo samaysto. Tusaalahan, summadda, [IS, CT] ayaa muujinaysa in macallinka ahmiyadda saari u karo gaar ahaan ka caawinta ardayda horumarinta xirfadaha shaqsi iyo shakhsiyaadka ka dhexeeya kolba markay wax baranayaan.

Hoggaamin macallin: “Maxay yihiin qaar ka mid ah cawaaqibka isticmaalidda yaska khaniis-necebka ama cay cunsuriyeedka ah? Sidee baa habdhaqankan waxyeelada leh looga hortagi karaa?”

Ardayga: “Isticmaalka luqadda khaniis-necebka ah ama cunsurinimada leh ayaa kala takooritaan ah. Waxay wax u dhintaa dadka loo bartilmaansado xumaanta oo u yeelan kartaa cawaaqib waxyeelo badan jawiga dugsiga dhexdsiisa oo idil. Mararka qaar, dadku ayaa iska hadla iyaga oo aan ka fekerin waxay dhab ahaantii leeyihiin oo waxay waxyeelo u geysanayaan dadka kale. Si aad u bedesho habdhaqankan, qof kasta ayaa u baahan inay qaataan mas'uuliyadda erayada ay isticmaalayaan waliba oo ay kala doodaan dad kale kelmadaha takoorida leh ku hadla ama dadka yasa, qof ahaan ama qadka ku jira ha noqotee.”

Hoggaamin macallin: “Dhaqanka ku lug leh gogol wadaagga ee aan habboonayn, oo ay ka midka yihiin taabashada jirka qofka markay socdaan hoolka, iyada oo kelmado ku lug leh gogol wadaag-ga lagu hadlo, ama dharka qaybo kor ama hoos loo jiido, ayaa ah xasaradayn. Fariin diirinta qof si joogto ah ayaa waliba noqon karta xasaradayn. Maxaad samayn kartaa si aad u joojiso waxyaaba-ha noocan oo kale ah?”

Ardayda: “Ha samayn sidaas. Haku dhiirigelin kuwa kale inay sameeyaan. Ha u aqbalin haddii aad aragto waxaas oo dhacaya - haddii qof ahaan dhab aad u aragto ama warbaahinta bulshada aad ku aragto. U sheeg qofka inuu joojiyo, ama ka warbixi.” “Qadka ku jiris markay tahay, qofka waxaad ku qabsan kartaa luqadda aan loo dul qaadan karin, laakiin waxa ka fiican in waji ka waji aan la isku hor yimaad la yeesho hadhow wada hadal”

Labada hore ee wada hadallada namuunadda ah ayaa taageera macallimiinta markay ka caawinayaan ardayda inay fikiraan saamaynta yaska, takoorka iyo dabeecadda aan habboonayn.

MAXAY TAAASI U EG TAHAY MARKAY KU JIRTO MANHAJKA? FILASHO NAMUUNAD AH LAGA BILAABO FASAL 8

Horumarinta Aadanaha iyo Caafimaadka Gogol-WadaaggaIllaa dhammaadka Fasal 8, ardayda ayaa:

C2.4 muujiyaan faham dhinacyada kala duwan ee caafimaadka gogol-wadaagga iyo badbaadada, oo ay ka midka yihiin ka hortaga uurka iyo isticmaalka cinjirka gogol wadaagga uurka iyo ka hortaga STI*, fikradda guud ee oggolaanshaha, iyo arrimaha ay u baahan yihiin inay qaddariyaan iyo xirfadaha ay u baahan yihiin inay ku isticmaalaan si ay u gaaraan go'aamo nabadgalyo iyo caafimaad leh oo ku saabsan ficillada gogol wadaagga (tus., aqoon isku-yeelashada, ka caagga gogol wadaagga, daahinta gogol wadaagga ugu horreeya; aasaasidda, ka hadalka, iyo ixtiraamka xuduudaha; u muujinta ixtiraamka; u baahinida macluumaad iyo taageero dheeraad ah, gogol wadaag badbaado iyo raaxo leh; wada hadalka, hal adkaysiga, iyo xirfadaha diiditaanka) [IS, CT]

* STI - Infekshinka Gogol wadaagga Lagu kala qaado

Ahmiyadda waxbarashada ayaa ah ka caawinta ardaydu inay ka fikiraan caafimaadkooda gogol wadaagga oo oo ay horumariyaan xirfadahooda ay ugu baahan yihiin inay badbaado ahaadaan.

Hoggaamin macallin: “Maxay toban-jirayaashu u baahan yihiin inay ka ogaadaan waxyaabaha ku saabsan ka hortaga uurka iyo gogol wadaagga badbaadada leh si ay u ilaaliyaan caafimaadkooda arrimaha gogol wadaagga oo ay dejistaan xuduudo shakhsi u habboon?”

Ardayga: “Toban-jirayaasha ayaa u baahan inay ogaadaan arrimaha ku saabsan faa'iidooyinka iyo halista ay leeyihiin noocyada kala duwan ee ka hortaga uurka. Waxay u baahan yihiin inay fahmaan inay tahay sida kaliya ee boqolkiiba 100 lagu hubiyo inaan uur la yeelan ama aan lagu qaadin STI, oo ay ka mid tahay HIV, inaan gogol wadaag la samayn. Kuwa doorta inay gogol wadaag ficil ahaan u sameeyaan ayaa sidoo kale u baahan inay ogaadaan hababka ka hortaga ee bixiya ka ilaalinta cudurka iyo uuraysigaba. Cinjirka ayaa bixiya ka hortag labadaba ah uuraysiga iyo cudurrada STI - laakiin inay waxtar yeeshaan, waa in sida habboon loo isticmaalo oo wakhti kasta la isticmaalo. Toban-ji-rayaashu waa inay fahmaan siday muhiimka u tahay inay kala hadlaan lammaanahooda arrimaha ku saabsan doorashooyinka arrimaha caafimaadka gogol wadaagga, oggolaanshaha, iyo badbaado qabka. Waa inay yeeshaan xirfadaha ay ugu gudbin karaan fikirradooda si wax ku ool leh, wax u dhagaystaan si ixtiraam leh, oo ay akhristaan calaamadaha jirka ee ka wada sheekaysiyadan. Taasi waxay qaadanaysaa ku dhaqan.”

Fikradda oggolaanshaha ayaa gaar ahaan lagu daray ka filitaankan iyo hagaha/jawaabta, si ay ardaydu u bartaan waxa ku saabsan siduu u eg yahay oo loo dareemo arrintaas.

Page 5: HAGAHA WAALIDKA: HORUMARKA AADANAHA IYO … · LGBT ayaa sheegay inay ku dareemaan badbaado darro dhexdiisa dugsigooda sare. 5. Heerarka xaaladaha cudurada qaarkood ee gogol wadaagga

5

GURIGA MARKA LA JOOGO: TAAGEERIDDA WAXBARASHADA ILMAHAAGA

Fikradaha soo socda ayaa ka yimid waalidiinta iyo dadka khuburada ku ah horumarka aadanaha iyo caafimaadka gogol wadaagga. Waad tixgelin kartaa taas kolba markaad ka taageerayso ilmahaaga wax ka barashada laftooda, iyo horumarka caafimaad-qabkooda iyo caafimaadka gogol wadaaggooda ku saabsan.

Dhageysiga

• U dhageyso si feejignaan leh.

• Haddii aad wax welwel ah ka qabto arrimo suurtagal ah ama dhibaatooyin, ku maqal wax indhahaaga iyo waliba dhegahaaga. Eeg Tilmaamha jirka oo ka war hay isbeddelka dabeecadda.

• Dhageyso ra'yi ka bixin la'aan, oo ka fogow jawaabo sal-fufudaydka ah, kuna fikir oo ku dhagayso maskax furan.

• Ansixi wuxuu ilmahaagu soo maray, oo uga mahadnaq la sheekaysigooda.

Abuuridda jawi furan iyo ku isticmaalka fursadaha maalin kasta in la wada hadlo

• Bilow sheekeysiga markaad wax kale qabanaysaan, sida baabuur wadashada tababbarka ah, dhaqitaanka weelasha, qado samaynta, laablaabka dharka ama lugaynsiinta eyga.

• Isticmaal fursadaha ay ka midka yihiin qisooyinka warbaahinta, riwaayadaaha TVga ama tusaalooyin ka yimid nolosha dhabta ah si aad u bilowdaan sheekeysiga.

• Isticmaal faahfaahin fudud, toos ah oo sax ah, oo raadso macluumaad dheeraad ah haddii loo baahdo. Yeesha sheekeysi ka dhexeeya qoyska oo dhan oo abuur fursado carruurtu/dhalintu ay wakhti la qaataan waalidiinta, dadka ilmaha mas'uulka ka ah ama dadka kale ee daryeelka wadajir ahaan ama oo si gaar ah.

• Dulqaad yeelo oo furanow aammusnowga. U dhis kalsoonida ilmahaaga adiga oo siiya wakhti iyo ka fogi ay ku fikiraan.

Ku muujinta qiyamkaaga waxaad samayso iyo waxaad ku hadasho

• Carruurtaada ayaa wax ku waxay arkaan oo ay maqlaan, sidaad uga jawaabto warbaahinta iyo wararka, dugsiga, xiriirka qoyska iyo isdhexgalka bulsheed.

• Tixgali fikir qalloocaaga iyo suuradayntaada markaad wada sheekaysanaysaan carruurtaada.

Wada sheekeysi intaa ka badan

• Abuur fursado ay carruurtu ay ku weyddiin karaan su'aalo ama wax wax kaga faalodaan. Haddii aadan isla markiiba ka jawaabi karin, ballanqaad mar dhow arrintaad la soo qaadi doonto - oo ka dhabee.

• Qorsheyso inaad dib ugu soo noqoto sheekada hal mar wax ka badan si aad u dhisto, xoojiso oo aad uga jawaabto su'aalaha.

• Ilmahaagu waxa laga yaabaa inuuna doonayn inuu hadlo. Ku bilow in yar. Kolba markuu ilmahaagu sii muddakaro, waxaad kala hadli kartaa arrimo ku saabsan kuwo ka sii culus sidii hore.

Page 6: HAGAHA WAALIDKA: HORUMARKA AADANAHA IYO … · LGBT ayaa sheegay inay ku dareemaan badbaado darro dhexdiisa dugsigooda sare. 5. Heerarka xaaladaha cudurada qaarkood ee gogol wadaagga

HALKA LAGA HELAYO MACLUUMAAD DHEERAAD AH

Hagahan waxa ka mid ah namuunad ka filitaan manhaj tusaalooyin ahaan ah. Eeg manhajka Ontario, Waxbarashada Jirka iyo Caafimaadka, Darjo Fasal 1-8 iyo 9-12, 2015 dhammaan ka filitaanka manhajka. marin uga hel manhajka halkan:

• Dugsiga Hoose: www.edu.gov.on.ca/eng/curriculum/elementary/health.html

• Dugsiga Sare: www.edu.gov.on.ca/eng/curriculum/secondary/health.html

Wixii macluumaad sooyaal dheeraad oo ku saabsan u dhigitaan noolanta nolol caafimaad-qabka ah iyo horumarka aadanaha iyo arrimah caafimaadka gogol wadaagga, ka eeg:

• Ku Nolaanta Caafimaad-qabka: Horumarinta iyo Caafimaadka Gogol wadaagga guudmarka ku yaal bogga 38 ee manhajka dugsiyada hoose iyo ee bogga 42 ee manhajka dugsiga sare

• Guudmarka Qaybta Dhexe (fasallada 7-8) bogagga 179-182

• Lifaaqa ayaa ku yaal bogagga 224-225 (1–8) iyo bogagga 204–205 (9–12)loogu talagalay eegitaanta “jaleec ahaanta” ah ee waxay ardaydu ka baranayaan fasal oo idil.

Horumarka Carruurta iyo Dhallinyarada

• Stepping Stones, il ku saabsan horumarinta dhallinyarada (loogu talagalay dhalinyarada, da'da 12 illaa 25) www.ontario.ca/steppingstones

Baaluqa

• Hospital for Sick Children (Isbitaalka Carruurta Bukta) -Ku Saabsan Caafimaadka Carruurta www.aboutkidshealth.ca

Sexual Health (Caafimaadka gogol wadaagga)

• Goob laga helo macluumaad ay soo saartay The Society of Obstetricians and Gynaecologists of Canada (Ururka Dhakhaatiirta haweenka iyo dhalmada ee Kanada) www.sexualityandu.ca

• Barta internetka yaal Alberta oo ku saabsan baridda iyo ka hadalka caafimaadka gogol wadaagga, iyada oo qayb loogu talagalay qayb waalidiinta, ku jiraan ilo iyo boogga www.teachingsexualhealth.ca

• The Sex Information and Education Council of Canada (Golaha Macluumaadka iyo Waxbarashada Gogol wadaagga ee Kanada) isha su'aasha iyo jawaabta ku saabsan waxbarashada caafimaadka gogol wadaagga ee dugsiyada www.sieccan.org/pdf/she_q&a_3rd.pdf

Ka fiiri barta internetka rugta caafimaadka deegaanka www.health.gov.on.ca/en/common/system/services/phu/locations.aspx

Tixraacyada

1. McKay, A., & Bissell, M. (2010). Waxbarashada dugsiyada ee caafimaadka gogol wadaagga: Su'aalo iyo jawaabo. Sex Information and Education Council of Canada (golaha Macluumaadka iyo Waxbarashada Gogol Wadaagga ee Kanada) (SIECCAN). Laga soo qaatay: www.sieccan.org/pdf/she_q&a_3rd.pdf

2. McKay, A., Byers, E. S., Voyers, S. D., Humphreys, T. P., & Markham, C. (2014). Fikradaha iyo aragtida waalidiinta Ontario ay ka qabaan waxbarashada caafimaadka arrimah gogol wadaagga ee dugsiyada. Canadian Journal of Human Sexuality, (Joornaalka Gogol Wadaagga Aadanaha ee Kanada), 23(3), 159–166

3. Steeves, Valerie. (2014)Young Canadian in a Wired World: Wajiga III: Arrimuhu Siday Ku Socdaan iyo Talooyinka, Ottawa: MediaSmarts

4. Freeman, J., King, M., Al-Haque, R. and Pickett, W.,Health and Health-related Behaviours Among Young People: Ontario, 2012, www.edu.gov.on.ca/eng/healthyschools/HBSCReportJan2013.pdf

5. Fasal Kasta ee Dugsi Kasta ra'yi ururinta cimilada qaranka 2011, Egale Canada. www.egale.ca/wp-content/uploads/2011/05/EgaleFinalReport-web.pdf, * Fiiro gaar ah: Ardayda ka soo jeedda Quebec daraasadda laguma darin

6. Public Health Agency of Canada, (Hay’ada Caafimaadka Bulshada ee Kanada), Warbixinta Cudurrada La Faafiyo Gogo wadaagga gudaha Kanada, Soo Kooban Adaasime, 2011. www.phac-aspc.gc.ca/sti-its-surv-epi/rep-rap-2011/index-eng.php

7. Public Health Agency of Canada (Hay’ada Caafimaadka Bulshada ee Kanada), Tilmaamaha waxbarashada caafimaadka gogol wadaagga, [rev. ed.], 2008, 38)

8. Wight, D., & Fullerton, D. (2013). Dib u eegista wax ka qabadyada waalidku horumarinayo caafimaadka gogol wadaagga ee carruurtooda Journal of Adolescent Health, 752(1), 4–2.

ISBN 978-1-4606-5896-3 (Print) ISBN 978-1-4606-5897-0 (PDF) (Somali)© Queen’s printer for Ontario, (Daabacaadda Queen ee Ontario), 2015